Weerar khasaare geystay oo lagu beegsaday maleeshiyaad Bangaraaf ah.

Thursday September 17, 2026 - 09:13:56
MeMO Staff
Saacadihii lasoo dhaafay, jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa lasoo wariyey in hawl-gal qarax ah ay ka geysteen koonfurta dalka Soomaaliya.
Sida ay xogtu tibaaxayso, jihaadiyiintu waxay qarax culus la beegsadeen kolonyo maleeshiyaad ah, gaar ahaan murtazaqada Maraykanku ku adeegto ee Bangaraafta.

Maleeshiyaadkan ayaa lagu qarxiyey inta u dhexeysa deggaannada Leego iyo Yaaq-bari-weyne oo ka wada tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Inta la xaqiijiyey, qaraxaasi waxaa ku basbeellay gaari Taw ah, waxaana sida la sheegay ku naf-waayay askartii la socotay baabuurkaasi.

Weerarkan ayaa qayb ka ah hawl-gallada sida joogtada ah loogu dhiig-bixiyo ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay iyo daba-dhilifyada kaba-qaadka u ah.

FG: Fadlan kusoo biir baraha xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay:

Related Items

Update cookies preferences